25. Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.
26. Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii.
27. Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.
28. Oo Yashuuca maalintaasuu qabsaday Maqeedaah, oo wuxuu dadkeedii ku laayay seef, iyo xataa boqorkeedii; oo dadkii ku jiray oo dhan wuu wada baabbi'iyey, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkii Maqeedaah wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.
29. Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Maqeedaah oo waxay tageen Libnaah, oo la dirireen reer Libnaah;