Yashuuca 10:21-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. ayaa dadkii oo dhammu nabdoonaan ku soo noqdeen Yashuuca oo joogay xeradii ku tiil Maqeedaah, oo mid qudh ahu afka uma kala qaadin reer binu Israa'iil.

22. Oo markaasuu Yashuuca yidhi, Godka afkiisa banneeya oo shantii boqor ka soo bixiya godkii oo ii keena.

23. Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon.

24. Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.

Yashuuca 10