Sharciga Kunoqoshadiisa 3:17-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

18. Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

19. Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin,)

20. ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.

21. Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 3