7. Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.
8. Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay.
9. Absaaloomna si kedis ah ayuu uga hor yimid addoommadii Daa'uud. Absaaloomna baqashiisii ayuu fuushanaa, oo baqashiisii waxay hoos martay geed weyn laamihiis, kolkaasaa geedkii madaxiisii qabsaday, oo wuxuu ka lalmaday meel cirka iyo dhulka u dhaxaysa; oo baqashii ku hoos jirtayna way iska socotay.
10. Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada.