Sabuurradii 55:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.

2. I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

3. Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

4. Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

5. Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

6. Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.

Sabuurradii 55