8. Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
9. Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay, Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10. Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.
11. Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12. Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13. Weligiis iyo weligiisba Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil. Aamiin iyo Aamiin.