10. Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.
11. Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.
12. Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
13. Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.