6. Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
7. Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.
8. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
9. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)