Yooxanaa 19:20-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga.

21. Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

22. Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.

Yooxanaa 19