13. Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
14. Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya.
15. Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
16. Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta.
17. Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen.