Yexesqeel 5:7-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,

8. haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.

9. Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.

10. Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan.

11. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.

12. Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.

Yexesqeel 5