Yexesqeel 29:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana sannaddii tobnaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii laba iyo tobnaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

2. Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.

3. La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

4. Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.

Yexesqeel 29