27. Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
28. Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
29. Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
30. Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
31. Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
32. Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?