15. Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
16. Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.
17. Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!
18. Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.
19. Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay.
20. Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.
21. Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,
22. iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim,
23. iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon,
24. iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.
25. Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.
26. Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.
27. Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa.
28. Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda.
29. Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.
30. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.
31. Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.
32. Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.
33. Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.
34. Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.
35. Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.