4. Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen,
5. oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan.
6. Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa.
7. Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.
8. Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii,
9. oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen.
10. Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.