Xabaquuq 1:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

4. Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

5. Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.

6. Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn.

7. Iyagu waa kuwa laga cabsado oo aad looga baqo; xukunkooda iyo sharaftoodu iyagay ka soo baxaan.

Xabaquuq 1