30. Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.
31. Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.
32. Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.
33. Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.
34. Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser.