Xaakinnada 18:29-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.

30. Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.

31. Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

Xaakinnada 18