Tirintii 8:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

2. Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda.

3. Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

4. Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.

5. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 8