23. Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.
24. Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.
25. Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.
26. Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.
27. Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.