8. Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada,
9. si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.
10. Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.
11. Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay.
12. Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.
13. Oo haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii.