7. Oo weliba wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay Nacaman, iyo Axiiyaah, iyo Geeraa, oo wuxuu dhalay Cuusaah iyo Axiixud.
8. Oo Shaxarayimna wuxuu carruur ku dhalay dalkii Moo'aab markuu iska diray naagihiisii ahaa Xushiim iyo Bacaraa dabadeed.
9. Oo naagtiisii Xodeshna wuxuu ka dhalay Yoobaab, iyo Sibyaa, iyo Meeshaa, iyo Malkaam,
10. iyo Yecuus, iyo Shaakyaah, iyo Mirmaah. Intaasu waa wiilashiisii oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda.