9. oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad.
10. Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
11. Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad
12. kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan,
13. oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba.
14. Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus;
15. Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii.
16. Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog.
17. Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
18. Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.
19. Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab.
20. Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen.
21. Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof.