Taariikhdii Kowaad 27:6-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad.

7. Oo sirkaalkii afraad ee bishii afraad bixi jirayna wuxuu ahaa Casaaheel oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, wiilkiisii Sebadyaahna wuu ku xigay, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

8. Oo sirkaalkii shanaad ee bishii shanaad bixi jirayna wuxuu ahaa Shamhuud oo ahaa reer Yisraax, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

9. Oo sirkaalkii lixaad oo bishii lixaad bixi jirayna wuxuu ahaa Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

10. Oo sirkaalkii toddobaad ee bishii toddobaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xeles oo ahaa reer Feloonii, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

11. Oo sirkaalkii siddeedaad oo bishii siddeedaad bixi jirayna wuxuu ahaa Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

12. Oo sirkaalkii sagaalaad ee bishii sagaalaad bixi jirayna wuxuu ahaa Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, oo ka ahaa reer Benyaamiin, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

13. Oo sirkaalkii tobnaad ee bishii tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Maharay oo ahaa reer Netofaah oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

14. Oo sirkaalkii kow iyo tobnaad ee bishii kow iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

15. Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

16. Oo weliba waxaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil u talinayay kuwan: reer Ruubeen waxaa u talinayay Eliiceser ina Sikrii oo taliye ahaa, reer Simecoonna waxaa u talinayay Shefatyaah ina Macakaah,

17. reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq,

18. reer Yahuudahna waxaa u talinayay Eliihuu, oo Daa'uud walaalihiis ka mid ahaa, reer Isaakaarna waxaa u talinayay Coomrii ina Miikaa'eel,

19. reer Sebulunna waxaa u talinayay Yishmacyaah ina Cobadyaah, reer Naftaalina waxaa u talinayay Yereemood ina Casrii'eel,

20. reer Efrayimna waxaa u talinayay Hoosheeca ina Casasyaah, oo reer Manaseh badhkiisna waxaa u talinayay Yoo'eel ina Fedaayaah,

21. reer Manaseh badhkiisii kale oo joogay dalka Gilecaadna waxaa u talinayay Iddo ina Sekaryaah, reer Benyaamiinna waxaa u talinayay Yacasii'eel ina Abneer,

22. reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

23. Laakiinse Daa'uud ma uu tirinin intoodii labaatan sannadood ka yarayd, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu yidhi inuu reer binu Israa'iil u badinayo sida xiddigaha samada oo kale.

24. Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

25. Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.

Taariikhdii Kowaad 27