Taariikhdii Kowaad 24:26-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.

27. Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.

28. Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.

29. Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.

30. Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.

Taariikhdii Kowaad 24