2. Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.
3. Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.
4. Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,
5. oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.