Taariikhdii Kowaad 21:15-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.

16. Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen.

17. Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

18. Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay.

19. Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad yidhi, oo uu ku hadlay magicii Rabbiga.

20. Markaasaa Aarnaan soo jeestay oo arkay malaggii, oo afartiisii wiil oo isaga la joogayna way dhuunteen. Haddaba Aarnaan wuxuu tumayay sarreen.

21. Oo markii Daa'uud u yimid Aarnaan ayaa Aarnaan arkay Daa'uud, oo intuu meeshii ka baxay ayuu u sujuuday Daa'uud, wejigana dhulkuu saaray.

22. Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato.

23. Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa.

24. Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiima buuxa ayaan kaaga iibsanayaa, waayo, Rabbiga u qaadi maayo wax aad adigu leedahay, oo qurbaan la gubo oo aanan waxba ka bixin anigu Ilaah ugu bixin maayo.

Taariikhdii Kowaad 21