65. Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.
66. Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.
67. Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.
68. Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.