Sharciga Kunoqoshadiisa 15:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

2. Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

3. Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15