Sharciga Kunoqoshadiisa 14:27-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.

28. Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.

29. Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 14