Sharciga Kunoqoshadiisa 1:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

8. Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

9. Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.

10. Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.

11. Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!

12. Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?

13. Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.

14. Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.

15. Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.

16. Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1