9. Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen.
10. Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay.
11. Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
12. Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.
13. Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.
14. Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.