1. Oo markii Samuu'eel gaboobay ayuu wiilashiisii xaakinno uga dhigay reer binu Israa'iil.
2. Oo wiilkiisa curadka ahaa magiciisu wuxuu ahaa Yoo'eel, wiilkiisii labaadna magiciisu wuxuu ahaa Abiiyaah; oo waxay xaakinno ka ahaayeen Bi'ir Shebac.
3. Oo wiilashiisiina kuma ay socon jidadkiisii, laakiinse waxay u leexdeen si ay faa'iido u helaan, oo intay laaluush qaateen ayay gartii qalloociyeen.