38. Oo haddana toban maalmood dabadeed Rabbigaa Naabaal dilay, wuuna iska dhintay.
39. Oo Daa'uudna markuu maqlay in Naabaal dhintay ayuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbigii Naabaal caydii uu i caayay iiga soo aarguday, oo anoo addoonkiisa ah shar iga celiyey; Naabaalna xumaantii uu samaynayay Rabbigu isaguu ku celiyey. Markaasuu Daa'uud cid u diray Abiigayil oo kala hadlay siduu u guursan lahaa.
40. Oo addoommadii Daa'uudna markay Abiigayil ugu yimaadeen Karmel, intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Daa'uud baa noogu kaa soo diray inuu ku guursado.
41. Markaasay kacday oo intay sujuudday ayay wejigeeda dhulka saartay, oo waxay tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah waxaan ahay midiidin cagaha u maydha addoommada sayidkayga.