Samuu'eel Kowaad 16:7-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Ha fiirin soojeedkiisa, ama dhererkiisa, maxaa yeelay, waan diiday isaga. Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.

8. Markaasaa Yesay u yeedhay Abiinaadaab, oo soo mariyey Samuu'eel hortiisa, Samuu'eelna wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma uu dooran.

9. Oo haddana Yesay wuu soo hor mariyey Shammaah. Oo wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma dooran.

10. Yesayna wuxuu Samuu'eel soo hor mariyey toddoba wiilashiisii ka mid ah. Markaasaa Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Rabbigu kuwan ma dooran.

11. Samuu'eelna wuxuu Yesay ku yidhi, War carruurtaadii halkan ma wada joogaan? Markaasuu yidhi, Weli waxaa hadhay kii ugu yaraa, oo idahuu ilaalinayaa. Oo haddana Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Cid u dir oo keen; waayo, innagu fadhiisan mayno jeeruu halkan yimaado.

Samuu'eel Kowaad 16