Samuu'eel Kowaad 10:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.

7. Haddaba markii calaamooyinkaasu ku soo gaadhaan, waxaad samaysaa wixii ku soo gaadha oo dhanba, maxaa yeelay, Ilaah baa kula jira.

8. Oo waxaad ku dhaadhacdaa, oo iga hor martaa xagga Gilgaal; oo bal eeg, anna waan kuu iman doonaa, inaan bixiyo qurbaanno la gubo, iyo inaan bixiyo qurbaanno nabaadiino. Toddoba maalmood waa inaad i sugtaa, ilaa aan kuu imaado oo aan ku tuso waxaad samayn doonto.

9. Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.

10. Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.

Samuu'eel Kowaad 10