Sabuurradii 83:14-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

15. Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.

16. Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.

17. Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,

18. Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

Sabuurradii 83