Sabuurradii 83:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.

2. Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.

3. Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.

Sabuurradii 83