Sabuurradii 76:5-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.

6. Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.

7. Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?

8. Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,

9. Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)

10. Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.

Sabuurradii 76