Sabuurradii 73:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.

5. Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.

6. Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.

7. Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

8. Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

9. Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.

Sabuurradii 73