Sabuurradii 63:8-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

9. Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.

10. Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.

11. Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Sabuurradii 63