Sabuurradii 61:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

2. Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.

3. Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

4. Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)

5. Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.

6. Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.

Sabuurradii 61