Sabuurradii 60:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.

9. Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

10. Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

11. Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.

12. Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii 60