Sabuurradii 54:4-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.

5. Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.

6. Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.

7. Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Sabuurradii 54