4. Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5. Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6. Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7. Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8. (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)
9. Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10. Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.