3. Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4. Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
5. Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6. Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7. Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.