Sabuurradii 44:4-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.

5. Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.

6. Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.

7. Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.

Sabuurradii 44