2. Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3. Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4. Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5. Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)