Sabuurradii 3:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.

4. Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)

5. Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.

6. Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.

7. Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

8. Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

Sabuurradii 3