Sabuurradii 25:19-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

20. Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

21. Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.

22. Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.

Sabuurradii 25